8/1/2026
Ka soo qaad inaad muddo dheer shaqo la’aan ahayd. Kadib, maalin maalmaha ka mid ah waxaad aragtay shaqadii aad muddada dheer raadineysay oo la soo xayeysiiyey. Waxaad akhriday shuruudaha shaqada, balse waxaad ogaatay in loo baahan yahay qof leh ugu yaraan saddex sano oo khibrad shaqo ah, halka adiga aad leedahay laba sano iyo bar oo keliya. Lix bilood oo keliya ayaa kaa dhiman.
Haddaba, maxaad samayn lahayd?
Ma iska dhaafi lahayd codsiga sababtoo ah ma buuxin shuruudda saddexda sano? Mise CV-gaaga ayaad u diri lahayd sida uu yahay, adigoo si daacad ah u muujinaya khibraddaada dhabta ah? Ama waxaad go’aansan lahayd inaad CV-gaaga ku darto lixda bilood ee kaa dhiman, inkastoo aadan dhab ahaan shaqadaas qaban?
Doorashada saddexaad waa waxa loo yaqaan Fake CV ama Resume Fraud, waana arrin si weyn uga dhex jirta suuqa shaqada maanta, gaar ahaan waddamada ay ka jirto shaqo la’aan badan iyo tartan adag oo shaqo.
Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa waxa uu yahay Fake CV, sababaha dadka ku riixa, noocyadiisa kala duwan, saameynta uu ku leeyahay qofka iyo bulshada, iyo xalalka waara ee looga hortagi karo.
Fake CV waa marka qofku si ula kac ah ugu daro CV-giisa xog aan sax ahayn, si uu loo-shaqeeyaha ugu abuuro sawir ka duwan xaqiiqada, uguna helo shaqo ama fursad.
Daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ay ka mid yihiin Christine Henle iyo Brian Dineen, oo lagu daabacay Journal of Business and Psychology sannadkii 2019, cinwaankeeduna ahaa:
“Assessing Intentional Resume Deception: Development and Nomological Network of a Resume Fraud Measure”
waxay ku qeexeen resume fraud inuu yahay: "In qofku si ula kac ah u abuuro, u buunbuuniyo, ama u qariyo xog muhiim ah oo ku jirta CV-giisa, si uu u sameeyo sawir aan dhab ahayn oo ku saabsan aqoontiisa, khibraddiisa, ama awooddiisa."
Cilmi-baaristu waxay sheegtay in fake CV uu leeyahay saddex nooc oo waaweyn:
Fabrication - waa marka qofku abuuro xog gebi ahaanba aan jirin oo uu ku daro CV-giisa ama uu u isticmaalo marka uu shaqo codsanayo si uu u helo fursad ama uu ugu muuqdo qof leh aqoon iyo khibrad ka badan xaqiiqada. Tusaalooyinka waxaa ka mid noqon kara inuu sheegto shahaado uusan waligiis qaadan, inuu CV-ga ku qoro shaqo ama khibrad uusan waligiis qaban, ama inuu isticmaalo reference aan dhab ahayn. Fabrication waxaa loo arkaa nooca ugu culus ee Fake CV, sababtoo ah xogta la soo bandhigay gebi ahaanba waa la sameeyay, waxaana si ula kac ah loogu talagalay in lagu marin habaabiyo loo-shaqeeyaha.
Embellishment waa marka qofku leeyahay khibrad shaqo ama waxbarasho dhab ah, laakiin uu si xad-dhaaf ah u buunbuuniyo ama uga dhigo wax ka weyn sida ay dhab ahaan tahay. Qofku ma abuuro xog gebi ahaanba been ah, balse wuxuu beddelaa ama weyneeyaa xaqiiqada si uu ugu muuqdo mid ka khibrad badan ama ka aqoon badan inta uu dhab ahaan yahay.
Tusaale ahaan, qof assistant ahaa oo isku qoraya manager, ama qof leh hal sano oo khibrad shaqo ah oo sheeganaya inuu leeyahay laba sano oo khibrad ah. Dad badan waxay arrintan ugu yeeraan "CV qurxin", laakiin marka xogta si ula kac ah loo buunbuuniyo si loo-shaqeeyaha loogu abuuro sawir ka duwan xaqiiqada, waxay noqotaa nooc ka mid ah khiyaanada CV-ga.
Omission waa marka qofku si ula kac ah u qariyo xog muhiim ah oo haddii loo-shaqeeyuhu ogaado ay beddeli karto go’aankiisa shaqaaleysiinta. Inkastoo qofku uusan si toos ah u qorin xog been ah, haddana qarin xog muhiim ah waxay loo-shaqeeyaha siin kartaa sawir aan dhammaystirnayn oo ku saabsan qofka iyo taariikhdiisa shaqo. Tusaale ahaan, qofku wuxuu qarin karaa inuu shaqo hore laga eryay, ama wuxuu ka tagi karaa xog muhiim ah oo la xiriirta waayo-aragnimadiisa iyo taariikhdiisa shaqo. Farqiga u dhexeeya qarin xog caadi ah iyo Omission waa ujeeddada qofka; haddii uu si ula kac ah u qariyo xog uu og yahay inay saameyn ku yeelan karto go’aanka loo-shaqeeyaha, waxay noqon kartaa nooc ka mid ah khiyaanada CV-g
Si loo fahmo sida dadka shaqo-doonka ah u arkaan arrintan, waxaan sameyney xog-ururin kooban oo ay ka qaybqaateen 80 qof.
Xog-ururintani ma mataleyso dhammaan bulshada Soomaaliyeed, balse waxay bixineysaa aragti hordhac ah oo ku saabsan sida qaar ka mid ah dadka suuqa shaqada ku jira ay u arkaan fake CV.
Markii ka qaybgalayaasha la weydiiyay nooca Fake CV ee ay u arkaan inuu bulshada dhexdeeda ugu badan yahay, natiijadu waxay muujisay in dadka badankood ay u arkaan Embellishment (buunbuuninta xog jirta) inuu yahay nooca ugu badan. 39 qof oo u dhiganta 48.8% ayaa doortay Embellishment. Halka 29 qof oo u dhiganta 36.3% ay doorteen Fabrication, taas oo ah abuurista xog gebi ahaanba aan jirin sida khibrad, shahaado, ama shaqo aan qofku waligiis lahayn. Sidoo kale, 7 qof oo u dhiganta 8.8% ayaa doortay Omission, oo ah qarin xog muhiim ah oo saameyn karta go’aanka loo-shaqeeyaha, halka 5 qof oo u dhiganta 6.3% ay sheegeen inaysan arkin nooc ka mid ah Fake CV.
Su’aal kale oo la weydiiyay ka qaybgalayaasha waxay ahayd: "Ma aaminsan tahay in qofka CV-giisu fake yahay uu ka fursad badan yahay qofka daacadda ah ee aan waxba ku darin CV-giisa?" Jawaabaha la helay waxay muujinayaan aragti xooggan oo ku saabsan cadaadiska suuqa shaqada. 63 qof oo u dhiganta 78.8% ayaa ku jawaabay "Haa", iyagoo aaminsan in qofka isticmaala CV been ah ama la buunbuuniyay uu mararka qaar heli karo fursado ka badan qofka daacadda ah. Halka 17 qof oo u dhiganta 21.3% ay ku jawaabeen "Maya". Natiijadan waxay muujineysaa in dad badan ay dareemayaan in tartanka shaqada uu mararka qaar abuurayo xaalad qofka daacadda ah uu dareemo inuusan la tartami karin qof xogtiisa buunbuuniya ama been ka sheegaya.
Tani waxay muujineysaa in dad badan ay dareemayaan in qofka xogta buunbuuniya ama been ka sheega CV-ga uu mararka qaar heli karo fursado ka badan qofka daacadda ah.
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn waa waxa loo yaqaan Experience Paradox.Waa xaaladda qofka lagu yiraahdo:"Waxaad u baahan tahay khibrad si laguugu shaqaaleysiiyo."Laakiin isla waqtigaas:"Waxaad u baahan tahay shaqo si aad khibrad u hesho."Qofka cusub ee qalin-jabiyay wuxuu dareemayaa in albaabkii khibradda lagu xiray khibrad hore.Cadaadiskaas ayaa dadka qaar ku riixa inay CV-gooda iney ku daraan xog dheeraad ah sida ay sheegeen.
Marka shaqooyinku yaraadaan, tirada dadka shaqo doonka ahna ay bataan, tartanka suuqa shaqadu wuxuu noqdaa mid aad u adag. Xaaladdan, dadka qaar waxay dareemaan in CV-ga caadiga ah uusan ku filnaan doonin inay ka dhex muuqdaan codsadayaasha kale, gaar ahaan marka ay arkaan shuruudo badan oo shaqo oo u baahan sannado badan oo khibrad ah ama xirfado gaar ah.
Cadaadiskaas ayaa qofka qaar ku abuuri kara fikir ah in haddii uusan CV-giisa wax ku darin ama uusan khibraddiisa wax yar ka weyneyn, uusan heli doonin fursad uu isku muujiyo. Sidaas darteed, qaar waxay ku dhacaan khaladka ah inay buunbuuniyaan waayo-aragnimadooda ama ku daraan xog aan dhab ahayn si ay uga gudbaan
Dhalinyaro badan marka ay dhameeyaan waxbarashadooda ama ay shaqo raadinayaan waxay mararka qaar qaataan shaqooyin ku meel gaar ah si ay u daboolaan baahiyahooda nololeed, xitaa haddii shaqooyinkaas aysan si toos ah ula xiriirin xirfadda ay doonayaan inay mustaqbalka ku shaqeeyaan.
Tusaale ahaan, qof bartay caafimaad ama IT ayaa laga yaabaa inuu muddo ka shaqeeyo cashier, fast food, ama shaqo kale oo adeeg ah inta uu raadinayo fursad ku habboon xirfaddiisa. Marka uu helo shaqo la xiriirta caafimaadka ama IT-ga, wuxuu dareemi karaa in khibraddii uu hore u soo qaatay aysan si toos ah ugu caawinayn booska cusub, isla markaana uusan si fiican ugu tartami karin dadka haysta khibrad la xiriirta shaqadaas.
Xaaladdan waxay mararka qaar ku keentaa qofka cadaadis uu ku doonayo inuu CV-giisa wax ka beddelo ama uu xoogga saaro xog ka badan xaqiiqada si uu ugu ekaado qof leh khibrad ku habboon. Si kastaba ha ahaatee, shaqooyinka ku meel gaarka ah ma aha kuwo aan qiimo lahayn; qofku wuxuu ka heli karaa xirfado la wareejin karo (transferable skills) sida la macaamilka dadka, xalinta dhibaatooyinka, masuuliyadda, iyo maamulka waqtiga. Waxa muhiimka ah waa in xirfadahaas si daacad ah loo muujiyo, halkii lagu beddeli lahaa xog aan jirin.
Dad badan, gaar ahaan dhalinyarada bilaabaya nolosha shaqo, ma helaan cid ku hagta sida saxda ah ee loo diyaariyo CV ama sida loo soo bandhigo awooddooda marka ay shaqo raadinayaan. Qofku wuxuu yeelan karaa aqoon, xirfado, ama khibrado kala duwan, laakiin haddii uusan aqoon sida uu u muujiyo, waxaa laga yaabaa inuusan si fiican ugu tartami karin fursadaha shaqo ee jira , sidaas darteed wixiii u arko inuu ku guuleysan karabo uu ku kaco .
Fake CV wuxuu keeni karaa dhibaatooyin waaweyn oo aan ku koobnayn qofka sameeyay oo keliya. Qofku wuxuu heli karaa shaqo ama xil maanta, laakiin hal xog been ah oo ku jirta CV-giisa waxay halis gelin kartaa mustaqbalkiisa, sumcaddiisa, iyo kalsoonida dadka kale. Dad badan waxay u arkaan Fake CV inuu yahay arrin ku kooban shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse xaqiiqadu waxay tahay in dhibaatadiisu ay gaari karto dhammaan hay'adaha iyo waaxyaha bulshada sida hay'adaha dowladda, waxbarashada, caafimaadka, amniga, iyo nidaamka cadaaladda. Marka qof aan lahayn aqoontii, tababarkii, ama khibraddii looga baahnaa uu helo shaqo ama xil isagoo adeegsanaya xog been ah, saameyntu ma noqoto mid ku eg isaga oo keliya, balse waxay saameyn kartaa tayada adeegga, go'aamada la gaarayo, iyo kalsoonida shacabka.
Gaar ahaan meelaha xasaasiga ah sida caafimaadka, amniga, iyo cadaaladda, Fake CV wuxuu noqon karaa arrin khatar badan, sababtoo ah shaqooyinkaas waxay ku tiirsan yihiin aqoon, masuuliyad, iyo daacadnimo. Qof sheegtay shahaado, tababar, ama khibrad uusan lahayn wuxuu sababi karaa khaladaad saameeya nolosha iyo xuquuqda dadka kale. Sidoo kale, Fake CV wuxuu caddaalad-darro ku yahay dadka daacadda ah ee leh aqoon iyo karti dhab ah, laakiin aan been ku darin CV-gooda. Wuxuu dhaawacayaa nidaamka shaqaaleysiinta, wuxuu yareynayaa kalsoonida hay'adaha, wuxuuna caqabad ku noqon karaa horumarka iyo cadaaladda fursadaha shaqo ee waddan. Sidaas darteed, Fake CV ma aha oo keliya arrin shaqsiyeed; waa dhibaato saameyn karta hay'ad, bulsho, iyo mustaqbalka horumarka dalka.
Fake CV ma aha dhibaato uu hal qof keliya sababay, mana aha dhibaato hal dhinac oo keliya xallin karo. Waa arrin u baahan wada-shaqeyn ka timaadda dowladda, loo-shaqeeyayaasha, goobaha waxbarashada, iyo shaqo-doonka laftiisa.
Dowladdu waxay yareyn kartaa Fake CV iyadoo hirgelinaysa nidaam qaran oo lagu xaqiijiyo aqoonsiga, waxbarashada, iyo taariikhda shaqo ee muwaadiniinta, si loo fududeeyo background checks loona xaqiijiyo xogta ku qoran CV-ga, iyadoo sidoo kale la dejinayo xeerar iyo ciqaabo cad oo ka dhan ah been-abuurka. Sidoo kale, waa in la dejiyo Siyaasad Qaran oo Internship iyo Apprenticeship ah si dhalinyarada loogu abuuro waddo rasmi ah oo ay ku helaan khibrad shaqo oo la xaqiijin karo. Tallaabooyinkan waxay kor u qaadaan caddaaladda iyo hufnaanta shaqaaleysiinta ee hay'adaha dowladda (public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (private sector), iyagoo hubinaya in fursadaha shaqo lagu bixiyo karti, aqoon, iyo khibrad dhab ah, halkii lagu heli lahaa xog been-abuur ah.
Shirkaduhu waxay leeyihiin masuuliyad weyn oo ku saabsan ka hortagga Fake CV. Waa inay sameeyaan hubin dhab ah oo ku saabsan references-ka, shahaadooyinka, iyo khibradaha qofka codsanaya shaqada.
Sidoo kale, shirkaduhu waa inay siiyaan candidates-ka feedback, gaar ahaan kuwa aan la qaadan, si ay u fahmaan meelaha ay ka horumarin karaan. Tani waxay ka caawin kartaa dadka shaqo doonka ah inay hagaajiyaan xirfadahooda halkii ay u leexan lahaayeen buunbuunin ama been CV.
Intaa waxaa dheer, loo-shaqeeyayaashu waa inaysan ku koobnaan qiimeynta qofka oo keliya sannadaha experience-ka, balse waa inay eegaan awoodda qofka, xirfadaha uu leeyahay, sida uu wax u baran karo, iyo potential-ka mustaqbalka.
Qofka shaqo doonka ah wuxuu leeyahay masuuliyadda ugu weyn ee ah inuu CV-giisa ku qoro xog dhab ah oo la xaqiijin karo.
Waa inuusan ku darin khibrad, shahaado, ama masuuliyad uusan waligiis lahayn si uu fursad u helo. Halkii uu been isticmaali lahaa, waa inuu barto sida uu si wanaagsan ugu sharxi karo khibraddiisa dhabta ah.
Isticmaalka STAR Method (Situation, Task, Action, Result) wuxuu qofka ka caawin karaa inuu muujiyo waxa uu qabtay, caqabadihii uu xaliyay, iyo natiijooyinkii uu gaaray, xitaa haddii khibraddiisu aysan badnayn.
Sidoo kale, qofka shaqo doonka ah wuxuu abuuri karaa khibrad dhab ah isagoo sameeya:
Volunteer work.
Internships.
Portfolio projects.
Freelance work.
Tababaro iyo certificates la xaqiijin karo.
Ugu dambayn, xalinta dhibaatada Fake CV waxay u baahan tahay in la abuuro nidaam qofka daacadda ah lagu taageero, qofka been abuurka sameeyana lagula xisaabtamo. Marka fursadaha shaqo lagu saleeyo aqoon, karti, iyo daacadnimo, waxaa koraya kalsoonida hay'adaha iyo horumarka guud ee bulshada
Arrinta Fake CV waxay sidoo kale leedahay dhinac anshax iyo diin ah, gaar ahaan marka qofku shaqo ama xil ku helo xog aan sax ahayn.
Waxaa jirta su’aal la weydiiyay Zakir Naik oo ku saabsan qof shaqo ku helay CV been-abuur ah. Qofka ayaa yiri:
"Waxaan shaqo ku helay anigoo isticmaalay CV been-abuur ah. Hadda waan shaqeeyaa, mushaharna waan qaataa. Lacagta aan shaqadan ka helo ma xalaal baa mise waa xaaraan?"
Jawaabta lagu bixiyay waxay ahayd in haddii shaqada qofku qabanayo ay tahay shaqo sax ah oo uu si dhab ah u gudanayo waajibaadkiisa, mushaharka uu ka helo shaqadaas uu yeelan karo dhinac xalaalnimo, laakiin habkii uu shaqada ku helay uu ahaa mid khaldan oo ku saleysan khiyaano iyo been.
Sidaas darteed, qofka waxaa laga rabaa inuu ka towbad keeno khaladkaas, uu Alle cafis weydiisto, isla markaana uu la wadaago masuulka shaqadaas, lala wadaago runta si uu u cafiyo.
Tixraacyo
Henle, C. & Dineen, B. (2019).
Assessing Intentional Resume Deception: Development and Nomological Network of a Resume Fraud Measure.